X

Taram iyo hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya oo ku kulmey xadka

Madaxweynaha Maraykanka iyo hogaamiyaha Woqooyiga Kuuriya Kim ayaa markii ugu horeysay ku kulmey xadka adag ee u dhexeeya labada Kuuriya. Xadkan ayaa waxa yaala hubka ugu culus dunida oo uu ku jiro nukliyeerka. Labada hogaamiye ayaa miridho wada joogey.


p style=”text-align: justify;”>Taram ayaa u gudbey dhinaca Woqooyiga Kuuriya taas oo ka dhigan madaxweynihii Maraykanka ugu horeeyay oo muddo 60 sanno ah cagta saara xadka Woqooyiga Kuuriya.



p style=”text-align: justify;”>Labada Kuuriya ayaa welli dagaal ku jira muddo laga joogo 60 sanno markii xulafada Maraykanku ay soo jabiyeen ciidankii Woqooyiga Kuuriya ilaa markii dambe ay ka soo gaareen Shiinuhu juna guulaystaan inay burburiyaan xulafadii Maraykanka.

Inkastoo booqashada Taram ama kulankan aanu waxba soo kordhin doonin haddana waxa muuqata in Taram asnu rabin inuu sii daayo Woqooyiga Kuuriya ama ay ku noqoto in ay dib u bilowdo tijaabinta gantaalo cusub inkastoo ayna jirin cid ka horjoogta.


p style=”text-align: justify;”>Kuuriyada Woqooyi ayaa dhinaceeduna rabta in cunaqabataynta laga qaado inkastoo ayna waxba u dhimin dalkaasi oo dhaqaalihiisa geliyay is difaaciisa.

Labada hogaamiye ayaa kadib shir jaraaid wada qabtey ay kaga hadleen in xiriirkoodu welli jiro ayna rabaan inay kor u sii qaadaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.