X

Taram oo amrey Sucuudiga inuu yareeyo saliida uu soo saaro

Kadib markii sicirka saliida aduunka uu dhulka galay markii Sucuudigu ka xanaaqay Ruushka oo diidey inuu yareeyo wax soo saarka saliidiisa ayaa waxa markii hore ku farxay Taram oo sheegay in arintani dhabajab ku tahay Ruushka laakiin ay burburisay dhamaan wax soo saarka saliida dalkiisa.


Taram ayaa si hoose ula hadley Sucuudiga kuna yiri ku haya Ruushka usbuuc kadibna wuxuu sheegay in burbur xoogan soo gaaray wax soo saarka saliida dalkiisa oo iyagu baahan in sicirka saliidu taagnaato ugu yaraan 50 halkii foostaba.

”Waxan amrey Sucuudiga inuu hoos u dhigo wax soo saarka saliidiisa taas oo markiiba keentay inay sicirka salidu korodho. Ruushka oo qoslaya ayaa isagu hore u sheegay inay dhimayn wax soo saarka saliidooda.


”Waxa hadda qasaare qaba Sucuudiga halka Ruushka waxba iska bedelin wax soo saarkiisii ayuu yiri khabiir ka halay dagaalka saliideed ee Ruushka iyo Sucuudiga ee burburet wax soo saarka saliida Maraykanka.

Taram ayaa hore u sheegay inuu gacanta ku hayo saliida Sucuudiga ayna diidi karina amarkiisa. Wahaabiyada Sucuudiga ayaa saaxiib dhow la ah Yuhuuda iyo Maraykanka.


Sucuudiga ayaa iibin kari waayay saliida badan ee uu soo saaray taas oo booyada saliidu hadda fadhiyaan dekedaha dalkaasi maadaama uu jiro cudurka Kooro halka dhinaca kale shirkadaha Maraykanka ee saliida madow ay qaarkood KACEEN. Tani ayaa been ka dhigeysa faanka xagjir ee ah in Maraykanku hayso saliid ku filan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.