X

Taram oo gacan u fidiyay dabka Ruushka ka holcaya iyo jawaabta V Putin

Xagjir Taram oo siyaasada aduunku merl xun ka narayso ayaa telfoon u direy madaxweynaha Tuushka Valadhimerr Putin una sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto daminta dabka ka holcaya gobolka dhirta badan ee Saybeeriya.


Ruushka iyo Maraykanka ayaa wadaaga xad barafa oo midkoodna awood u lahayn inuu dhaafo milatari ahaan. Waa dhulka ugu adag ee qof ku noolaan karo inkastoo Ruushku ilaa xad u soo dhawaaday badda barafka ah kuna leeyahay saldhigyo milatari.


Xilliyada xagaaga ayaa waxa dhacda in dhirtu is xoqdo qaasatan dhirta jiqda ah halkaasina uu ka dhasho dab aad u faafa oo dabayshu sii fidiso.

Madaxweynaha Ruushka ayaa u sheegay Taram in Ruushku ku filan yahay inuu damiyo dabkaas, wuxuuse amaanay xiriirka uu la soo sameeyay. Ruushka miyaa cadowgiisa u ogolaanaya in diyaarado basaas si fudud ku soo galaan.

Sawirka hoose waa dabka ka kacay Saybeeriya oo ah dhul aad u baaxadweyn oo cidla u badan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.