X

Tareen Yurub u sida daawo iyo qalab caafimaad oo ka baxay xuduntii cudurka Kooro

Kadib markii Shiinuhu ka faraxshahay kiisaska gudaha ee cudurka dalkiisa ka soo bilaabmey ee Kooro ayaa isla xuduntii cudurka oo hadda laga qaaday xanibaada uu ka soo baxay Tareen daawo iyo qalab caafimaad u sida dalalka Yurub.


Tareenka aadka u dheer ayaa sii mari doona dalalka Ruushkii hore ilaa uu galo magaalada Dusbeer ee dalkaasi Jarmalka. Waa xamuulkii ugu horeeyay ee ka soo baxa Shiinaha ee si toosa u yimaada Yurub intii cudurku dilaacay.


Shiinaha ayaa hadda ah khabiir laga qaato talada xilli xagjir Taram u barya tagey kadib markii la sheegay in Shiinuhu sii deyn waayay qalabka caafimaad ee uu rabo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.