X

Telefishan wax dhegeysta sirtana gudbiya oo aad looga qayliyay dadkana looga digey:WARBIXIN

Telefishan cusub oo dhegeysta dadka sirta iyo wixii kale ee ay ku hadlayana gudbiya ayaa dadka looga digey in ay ku hor sheekaystaan agagaarka telefishanka. Telefishankan oo ah nooca loo yaqaan Smart Telefishan ayna samayso shikrada laga leeyahay Koofurta Kuuriya ee Samsung ayaa waxa ku rakiban qalab duuba hadalka isla markaana u gudbiya codkaasi xarunta Samsung.

Telefishankan ayaa loo isticmaali karaa in lagu baadho arimo dhacay hadii loo baahdo iyo waliba in la ogaado fikradaha dadku ka qabaan telefishanka.

Shirkada Samsung ee samaysay telefishanka ayaa macaamiisheeda u sheegtay in haddii telefishanka laga maamulo qaybta codka ay dhacayso markaasi in codkaasi duubayo wixii la is dhaafsanayo kadibna u gudbiynayo shirkada codka u samaysay telefishanka.

Smart Telefishanada ayaa ah kuwo casri oo u shaqeeya sida telefanada moobilka ah ee ay ku jiraan waxkasta sida internet iyo wixii la mida.

Inkastoo telefishanada noocana ayna wali gaadhin guryaha Somalida waxase macquula in uu gaadho guryo tiroyar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.