Telefishanka Yaman oo qarxiyay siro badan oo ku duugan saldhiga Carabtu ka rabaan Berbera si ay uGu duulaan dalka an jaarka nahay ee colaadi naga dhaxayn.
Carabta Khaliijka oo u hogaamiyo gacan ku dhiigle Salmaan ayaa ku fashilmey in uu iska celiyo Yaman oo dal fiqiira ah. Wariye Bandar Al Hataar oo warbixintiisan sii wataa waxa uu yidhi:
“Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay DP-World ayaa la wareegi doonta oo maamuli doonta Dekedda Muhiimka ah ee Berbera muddo 30 sannadood ah kuna maal-gashan doona maal-galin lacageed oo lagu sheegay 442-Milyan oo Dollar, lacagtaasi oo lagu dhisi doono Saldhiggaasi Milatari.
Inkasta oo Goobta Saldhiggaasi Imaaraadka laga siiyey ay muhiimad ballaadhan u leedahay waddanka Yemen haddana sida ay baahinayaan wakaalado reer Galbeedka ahi waxa ay xaqiijinayaan in dalka Imaaraadka Carabtu Dekeddaasi Berbera u baddalayo gabi ahaanba Sal-dhig Milatari oo ay ka haadaan soona degaan Diyaaradaha dagaal ee Imaaraadku kuwaasi oo taageeraya Duullaanka Milatari ee dalalka Carabtu ku hayaan waddanka Yemen.
Waxa kale oo la is waydiin karaan sida dawladda Imaaraadka Carabtu ula tartami karto dalal badan oo quwado adduunka ah oo mandaqaddan gaar ahaan marin Biyoodka Baabal Mandab ay ciidamo ka joogaan saldhigyana ku leeyihiin.
Goobtaasi oo ah goobaha adduunka ugu xasaasisan iyada oo Imaaraadku hore ugu guulaystay in ay saldhigyo ku yeeshaan dalalka Eeretariya iyo Soomaaliya halka ay sidoo kale Mustaqbal ahaan doonayaan in ay saldhig ku yeeshaan Jasiiradda Suqadra.
Carabta waxa dabada ka wada Maraykanka oo bixinaya hubka casriga ah iyo gantaalada halka Carabtu hayaan lacagta saliida.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS