X

Tigidhada Xajka haloo kaadiyo ilaa arintu kala degayso: SUCUUDIGA

Wasiir ka tirsan dawklada Sucuudiga ayaa u shegay Muslimiinta inayna tigidho goosan ilaa arinta xanuunka Kooro meel u dhacayso. Sucuudiga ayaa xanibay masaajida halka Xaramka iyo masjidka nabiga CSW u ogolyahay in lagu tukan karo.


ā€¯Waxaan rabnaa inaan ilaalino caafimaadka dadka imaanaya xajka sidaas awgeed waxaan odhan lahaa u kaadiya goosadka tigidhada ilaa arintu kala cadaanayso.

Sucuudiga ayaa waxa xajka ka soo gala malaayiin doolar, waxay lacagtaas iyo kuwa kale ee saliida u isticmaalaan inay xaramka ka dul taagaan huteelo iyo saacado aan loo baahneyn. Waxaana lagu eedeeyay inuu tirtirayo taariikhda meelaha muhiimka ah si uu u fuliyo urur diimeedkiisa wahaabiya ku dhisan.


Wuxuu sheegay inay xanaanaynayan ilaa 1200 qof oo ku xaniban xaramka oo ka duuli karin dalka. Dhawaan maamulka cusub ee Sucuudigu bilaabay inuu meesha ka saaro dhaqano diinta ka fog iyo xanibaado ay jeebka kala soo baxeen.

Kiisaska Sucuudiga ee cudurka Kooro ayaa gaaraya ilaa hadda 15oo halka toban qof ay ku geeriyoodeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.