X

Tigreega oo cabaadkii ka dhamaaday iyo xabad joojin ay dalbadeen

Ciidanka dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa ku sii siqaya caasimada gobolka falaagada ee Tigreega halka maleeshiyada Tigreega ay ka sii dhamaanayso saadka iyo hubka. Tigreega oo hub badan aruursaday ayaan filayn in xaalku sidan ku noqon doono.


Falaagada Tigreega ayaa waxa ku jira jeneraaladii xasuuqay kumanaan Somali ah magaalada Muqdisho iyo gobolka Somali galbeed. Hogaamiyaha falaagada oo hadda dhuumalaysi ku jira ayaa dalbaday wadahadal xilli lagu soo socdo.

Dhamaan wadamada jaarka ayaa xirey xuduudkooda, waxa sidoo kale xiran dhamaan wadooyinka galaya gobolka Tigreega. Ciidanka Itoobiya ayaa horumar weyn sameeyay ayagoo burburiyay hubkii Tigreegu aruursanayay 30-ka sano.


Si kastaba ha ahaatee Itoobiya niyad uma hayso xabad joojin ilaa dhegaha laga garaaco Tigreega, gobolkuna ku soo noqdo gacanta dawlada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.