X

Tigreega oo qoys Muslima ku hor diley aabahood

Dhiigmiiratada Tigreega ayaa qoys Muslima ku hor diley aabahood ayadoo ay arkayaan labadiisa wiil iyo xaaskiisa meel aan ka fogeyn. Aabaha oo lagu magacaabo Asrat ayaa u baxay biyo dhaamis meel aan ka fogeyn magaalada Woldiya oo dhawaan laga xoreeyay Tigreega.


Xaaskiisa oo la hadashay warbaahinta ayaa ka hadashay sida falkan foosha xun u dhacay. ”Biyo ayuu noo doonay kadibna waxa ku so baxay Tigree qoryo sita, waxana maqlaynaa rasaas mise waa dad kale oo ay ku xasuuqeen meel aan sidaa ugu fogeyn ugu dambeyna waaba ninkeygii waxay dileen ayay tiri xaaska Asrat.



”Waxaan goobta ugu tagney ninkeyga iyo qoys kale oo ka kooban shan oo dhabarka laga toogtey ayay raacisay. Degegaankan ayaa waxa wax ka dega Canfarta iyo Axmaarada oo Muslima.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.