Tirada dhimashada shaqaale ku dhintey guri ku soo dumey magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex ruux ayaa ku geeriyootay Gurigaasi soo dumay kuwaas oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii dhismaha.
Gurmad kala duwan oo isugu jira dadweynaha Soomaaliyeed iyo Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadkii ku dhaawacmay dhismahaas u gurmaday si ay u badbaadiyaan Shaqaale kale oo la sheegay in dhismaha hoostiisa lagu la’yahay.
Gudoomiyaha degmada Hodan oo ah halka mashaqadan ka dhacdey ayaa sheegay dhaawaca laba qof oo kale lamase sheegin waxa sababay in gurigan ay dhisayeen soo dumo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS