X

Tirada Somalida ku dhimatey diyaaradii Itoobiya oo korodhay

Waxa sii korodhey tirada Somalidii ku dhintey diyaaradii Itoobiya ee saaka ku dhacdey meel aan ka fogeyn caasimada dalkaasi ee Addis ababa ayadoo ku sii jeeday Nayroobi. Wararkii u dambeeyay ayaa tirada hadda ku sheegay inay yihiin 4 qof.


Marka laga reebo shaqsiga isagu sitey baasaboir Somaliga ee hore loo xaqiijiyay waxa hadda la hayaa ilaa 3 qof oo iyagu kala watey baasaboorada Kanada iyo Maraykanka

Waxa ku jirey dadka dhintey oo la xaqiijay masuul ka shaqayn jirey xafiiska raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali. Waxa kale oo ka mida hooyo Somaliyeed iyo wiil ay dhashay.


Waxa aan la ogeyn inay jiraan Somali kale oo wata baasabooro ajaanib ah oo ls raaciyay dalalka ay ka sitaan baasaboorkooda.

Ilaa hadda war sugan lagama soo saarin waxa sababay iyo inay jirto cilad ku timi, ayadoo diyaradani ahayd diyaarad cusub oo jirta 3 sano kaliya. Nooca diyaaradan oo shirkada samaysa ay ku faanto ayaa ah tii labaad ee burburta mudada yar ee ay jirto.

Shirkada ayaa sheegtay inay u socdaali doonto halka ay ku dhacdey si ay  wax uga ogaadaan waxa sababay. Waxa hadda la galay raadinta cod keydiyaha diyaarada oo loo yaqaan sanduuqa madow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.