X

Trump oo ay dhici karto in aanu noqon madaxweyne iyo sababta

Ilaa iyo markii lagu dhawaaqay in Trump uu ka guulaystey Hillary Clinton waxa aad laysku waydiinayay sida ay been u noqdeen dhamaan saadaalintii ay sameeyeen hay’adaha saadaalinta ee dalka Maraykanka oo inta badan u dhow saadaalintooda.

Hadaba xisbi ka mida xisbiyada dareensan in Trump aanu guusha helin ayaa codsaday in dib loo tiriyo codadka sadex gobol oo bedeli kara tirada uu haysto Trump.

Waxa maanta oo Sabti ah la bilaabay codadka gobolka Winconsin oo leh tiro codad oo gaaraya 10. Waxa Iyana la tiri doonaa gobolada Michigan iyo Pennsylvania oo isku haya tiro cod oo gaaraya 36.

Guul ay ka keento Clinton goboladaas ayaa bedeli karta natiijada goobtana ka saari doonta Trump oo hadda beentiisii soo baxday kana noqdey balanqaadyo badan oo uu ku duufsaday dadka xagjirka ah iyo dad badan oo iyagu jeclaaday siyaasado gaara.

Dadka indha indheeya siyaasada iyo codbixinada ayaa qaba in ay adagtahay in uu yimaado khalad weyn, iyadoo la sheegayo in Ruushku jabsaday kambuutarada tirinaya codka.

Dhamaan sadexdaa gobol ayaa Trump uu ugu guulaystey si dirqiya ama codad aan badneyn taas oo dhalisay shikiga, iyadoo Clinton heshay tirada ugu badan dadka ka codeeyay dalkaasi.

Waxase muuqata in Trump uu farta wadnaha ku hayo. Lacagta ku baxaysa dib u trinta ayaa gaaraysa ilaa 7 milyan oo doolar.

Clinton ayaan iyadu dalban dib u tirinta sadexdaa gobol inkastoo laga dalbaday. Ilaa hadda war kama soo bixin Trump oo inta badan ku hadla bartiisa Twitter-ka.

Waxrbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.