X

Trump oo balan qaaday inuu Sucuudiga ciqaabi doono haddii

Trump oo balan qaaday inuu Sucuudiga ciqaabi doono haddii ay noqoto sida cad inay xasuuqeen suxufi Jamaal Khashooqi oo Turkigu sheegeen in ay hayaan sidii loo ciqaabey looguna diley qunsuliyada Istaanbuul e Sucuudigu leeyahay.


Tryump oo saaxiib dhow la ah Sucuudiga ayaa diidey inuu joojiyo hubka uu Sucuudiga siiyo si uu u xasuuqo masaakiinta Yaman. ” Ma rabo in aan shaqo tiro shirkadahayaga hubka waayo hadaan sidaa samayno waxay tagayaan Ruushka ama Shiinaha oo iibsanayaan.

Trumpo ayaan sheegin siduu u ciqaabi doono saaxiibadii wahaabiinta Al-Sacuud ee ku tunta xuquuqda dadka adoonsadana masaakiinta ku nool dalkooda.


Trump ayaa xisbiga Dimoqraadiga iyo kiisuba cadaadin ku saareen in wax laga qabto suxufigaas lagu xasauuqey Turkiga.

Erduqaan ayayna u furneyn wax uu ka yiraahdo arinta Jamaal Khasooqi maadaama xiriirku markii horeba sidaa u fiicneyn. Wasiirkiisa arimaha dibedda ayaa sheegay in Sucuudigu welli diidan yahay in la baaro qunsuliyada Istaanbuul iyo guriga qunsulka.


Waxa dhinaca Turkiga sii kordhaya siyaasiyiinta qaba in Turkigu talaabo adag ka qaato arintan haddii kale waxay noqonaysaa in dalkoodu noqdo goob dadka jooga amaan ku haysan.

Waraysi bixi doona Axadda ayuu Trump ku sheegay in ay jiri doonto ciqaab adag.

Dadka indha indheeya siyaasada Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa qaba in talaabada Trump ay tahay afka baarkiis oo xiriirka u dhexeeya Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudigu uu yahay mid adag.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.