X

Trump oo galay xaaladii ugu xumaa kuna dhow in barlamaanku eryo

Trump ayaa galay xaaladii ugu xumaa kuna dhow in barlamaanku eryo. Trump ayaa xaalku ku xumaadey markii garyaqaan u shaqayn qirtey inuu khiyaamo sameeyay ku aadanayd doorashada kadib markii uu jabiyay sharciga ololaha doorashada.


Trump ayaa garyaqaankiisa u sheegay inuu aamusiiyo laba haweena oo jirkooda ka ganacsada oo uu la tuntey kuna aamusiiyay lacag farabadan.

Garyaqaanka mid ka mida labada haween ayaa isna sheegay in xaalku u kala furfurmey hadda oo ay dacwad ku soo oogi doonaan Trump. Dacwadaas oo ah in Trump sharafta ka diley.


”Haddii garyaqaankii Trump qirtey in uu dambi galay maxaa u diidey sargaalkiisa Trump in uu dambiile yahay lana soo taago maxkamad.

Garyaqaanada Maraykanka ayaa qaba in aan Trump maxkamad la soo taagi karin inta uu xilka hayo oo waxa kaliya ee u furan ay tahay in barlamaanku xilka ka xayuubiyo taas oo muddo socon karta iyada lafteeda ama isagu iscasilo kadibna is difaaco.


Arinta Trump ee khiyaamada iyo beenta ayaa soo socotey in muddo ah ayadoo ay hadhan tahay in uu wax ka ogaa in Ruushku farageliyay doorashada taas oo Turmp dafirey.

Doorashadii Trump ku soo baxay ayaa dad badan ku noqotey yaab.

In xilka laga xayuubiyo ayaa u baahan in sadex meelood ay isku raacan barlamaanka taas oo hadda adag in xisbiga dimoqradigu helo inkastoo la filaayo in doorashada Nofember ay guulo ka soo hooyaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.