X

Donald Trump oo guulxumo ku soo socoto iyo xisbigu ima jecla in aan guulaysto

Musharaxa cunsuriga ah ee Donald Trump ee dalkaasi Maraykanka ayaa ku ooyay in xisbigiisu ka tashaday hadana ay danaynayaan kaliya sidii looga takhalusi lahaa kadib guuldaro ka soo gaartey Colorado.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa kharashkiisii oo dhan iskugu geeyay sidii Trump loo reebi lahaa oo aanu u helin codadka wakiilada loo baahan yahay oo hadda aanu wada haysan.

Gobolada haray sida New York ayaa la filayaa in lagu cuno taas oo keeni karta in uuna helin codadka wakiilada ee uu u baahan yahay si uu si toosa ugu guulaysto.

Haddii uu heli waayo codadka wakiilada oo buuxa waxa dhacaysa in codka la horgeeyo wakiilada xisbiga kuwaas oo dhamaan aan jeclayn in Trump oo cunsuri weyn ah u soo baxo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.