X

Trump oo helay saaxiib dhaba waa madaxweynaha Turkiga Erdogan

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Trump uu u dhowyahay aragtida urur diimeedkiisa Akhwaanka ee ku wajahan Siiriya. Erdogan ayaa sheegay in Trump ogolyahay in la sameeyo xad ka caagan diyaaradaha.

Fikirkaas oo Obama hore u diidey oo keenaysa in la soo rido diyaaradaha Ruushka taasina uuna ku dhacayn Maraykanku ayuu sheegay in ay ka wada hadli doonaan marka Trump lagu wareejiyo xukunka.

Erdogan ayaa dhinaca kale sheegay in Turkigu samayn karo codbixin uu ku doonayo in dalkiisu xubin ka sii noqdo Yurub maadaama Ingiriisku diidey in uu ku sii jiro.

Erdogan ayaa raaciyay in dadka ku banaanbaxaya hadda Trump ay berito noqonayaan kuwa hoos ordaya TrumpĀ ee leh shaqo na sii, ayna rabaan in ay dimoqraadiga boobaan.

Arintaas ayuu Erdogan garowsho kaga rabaa Trump kadib inqilaabkii lagu sameeyay isaga oo uu ku eedeeyay nin ay hore u saaxiib ahaayeen oo ay isku diideen urur diimeed ahaan, hadana ku nool Maraykanka.

Waxaana kuu muuqanaysa in madaxweynaha cusub ee Maraykanka Trump ay cidwalba ka eegayso dantiisa. Trump ayaa durba ka noqday balan qaadyo uu sameeyay xilligii doorashada ayaa la filayaa in uu hadana ka noqdo kuwo badan oo uu cod kaga helay Maraykanka.

Balan qaadyada caalamka waxa ka mida in uu safaarada Maraykanka geyn doono Al-Qudus, Yuhuudana ka dhigi doono muwaadiniin koowaad.

Balan qaadyada ayaa badan waxayna u badan yihii kuwo aanu ku dhicin in uu fuliyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.