Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Trump ayaa loo dhaariyay xafiiska xilli banaanbaxyo balaadhan ay hadheeyeen Maraykanka. Trump ayaa lumiyay codka saxda laakiin helay codka dadban.
Madaxweyne Obama ayaa laga sagootiyay waxana loo qaaday xarun milatari halkaas oo laga saaray diyaarad helokobtara.
Trump ayaa sheegay in uu safaarada Maraykanka u rari doono Al-qudus wuxuuna sheegay in heshiiska uu Obama Iiraan uu yahay mid qaldan.
Dadka badankiisa ayaa qaba in uu Trump yahay qof aan sidaa u cuqdadaysnayn laakiin si xun u caaya dadka waxka sheega. Trump ayaa jecel in la amaano.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS