X

Trump oo safarkiisii u horeeyay doortey Sucuudiga iyo madaxweynaha Suudaan oo casuumada laga saaray

Trump ayaa safarkiisii u horeeyay doortey Sucuudiga iyo madaxweynaha Suudaan oo casuumada laga saaray. Trump ayaa ka qayb galaya shirka Carabta iyo Maraykanka ee ka dhacaya Riyaad.

Waxa goobta ka tumaya nin Maraykana oo la yiraa Toby Keith iyo heesaa Sucuudi ah. Sucuudiga ayaa dagaal u khaasa kula jira wadanka Islaamka ah ee Iiraan Iyo Siiriya.


Trump ayay u socon waydey takooridii uu ku hayay Muslimiinta jooga dalkiisa iyo kuwa soo galayaba kadib markii dadka Maraykanku kala dagaalameen una diideen in waxay aaminsan yihiin wax loo dhimo.

Madaxweynaha Suudaan oo ay ahayd in uu ka qayb galo casuumada ayaa Sucuudigu ka reebay markii Trump ka cawdey. Sucuudiga ayaa Maraykanka ka iibsan doona hub uu kula dagaalamo Muslimiinta Yaman iskagana difaaco Iiraan oo doorasho u dareertay manta.



Trump ayaa sir ay ka hayaan Sucuudigu waana sababta keentay in uu ku horeeyo dal lagu yaqaan cadaalad xumo iyo gumeysi toosa oo lagu hayo dadka ajaanibta.

Madaxweynaha Somaliya ayaa la filayaa in uu aado Sucuudigu si ay isku arkaan Trump oo ay wada joogaan wadanka.

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.