X

Turkiga oo ay soo gaartey hub muhiima iyo Taram oo ka naxsan

Wasaarada difaaca ee dalkaasi Turkiga ayaa sheegtay inay soo gaartey qaybtii ugu horeysay ee hubka lidka diyaaradaha ee Ruushka ee loo yaqaan S-400. Hubkan oo aad u casrisan ayaan jiri doonin diyaarada ka soo ag-wareegi karta halka uu yaalo.


Taram ayaa isku dayay inuu hubkaas ka celiyo dalka Yurkiga asagoo ka baqaya in Yuhuuda lagu weeraro, wadan Muslim ahna helo hub noocaasa, ayaa ka naxay warkan ah in hubkaasi soo gaaray dalka.

Ruushka oo Turkiga ay isku khilaafsan yihiin dagaalka kooxda Erduqaan taageero ee akhwaanku ka wadaan bariga Suuriya ayaa haddana hubkan ka iibiyay, taas oo muujinaysa in Ruushku rabo inuu kordhiyo xiriirka labada dal.


Ruushka ayaa weliba ogolaadey inuu la qaybsado tiknoolajiyada lagu samaynayo hubkaasi qaybtiisa S-500. Wasaarada difaaca ee dalkaasi Ruushka ayaa sheegtay in hubku ku imaan doono xilligii lagu balamay.

Imaatinka hubkani lidka diyaaradaha ayaa waxa aad uga naxay dhamaan reer Galbeedka iyo Yuhuuda, waana guul u soo hoyatey Muslimiinta Turkiga.


Waxa la sugaa waxa xagjir Taram sameeyo mar haddii hubkii yimi isagoo ku hanjabay inuu cunaqabatayn saari doono. Turkiga ayaa hub weydiistey Maraykanka waxase loogu jawaabey waxba kuuma hayno.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINRWDS

admin:

This website uses cookies.