Wararkii ugu dambeeyay isqarxin lagu qaaday dalkaasi Turkiga qaasatan bulshada Kurdiyiinta ayaa argagixisada ISIL ku xasuuqdey ugu yaraan 30 ruux iyo dhaawaca oo aad u farabadan. Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in haweenay isku qarxiyay xaflad taageero dhismeed loogu muujinayay magaalada Caynal Carab ama Kobani ee laga difaacay ISIL ama Daacish.
Turkiga, Sucuudiga iyo Qadar oo iyagu taageera argagixisada ISIL ayaan dhadhamin dhibkooda inkasta oo goobta hadda la weeraray ay Kurdiyiinta Turkiga ku noolaayeen oo ayna ahayn Turkiga caadiga ah.
Turkiga ayaa diidey in uu argagixisada ka fogeeyo xadkiisa inkasta oo uu hadda leeyahay waxaan qaadaynaa talaabooyin aan la rumeysan karin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM