Kanada ayaa sheegtay inay joojisay qalab ay samayso oo Turkigu u isticmaalo diyaaradaha aan is wadin ee ay ka iibiso dalalka aduunka, qaarna ay iyadu ku gasho dagaalka siiba Siiriya.
Qalabkass ayaa ah qaybta muraayada ee kaamarada ku xiran tahay iyo gacanta la wareejiyo ee ay wadato qaybtaas. Turkiga ayaa sheegay inay ku wareejiyeen shirkadaha dalkeeda inay soo saaraan.
Dhinaca kale Turkiga ayaa banaanka u soo saaray munaafaqada Kanada oo hub ku daldasha Sucuudiga oo dagaal xaaraana ku baabi’iyay dalka faqiirka ah ee Yaman.
”Markaan anagu iibino waa xaaraan laakiin marka dad masaakiina lagu baabiinayo waa u xalaal ayaa Turkigu ku yiri jawaab ay ka bixiyeen munaafaqada Kanada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS