X

Turkiga oo ka baxay qorshe gaaladu wadatey oo qoyska lagula dagaalamo

Sanadii 2011 ayay ahayd markii caasimada ganacsiga ee Turkiga ee Istaanbuul lagu qabtey waxa lagu yeero ”ka hortaga tacadiga loo gaysto dumarka oo ay ku jiraan qodobo lidi ku ah diinta Islaamka lana dagaalamaya qoyska iyo guurka.


Somaliya ayaa xilligii uu raiisal wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre waxa golihiisa wasiiradu dhaqan geliyeen sharcigan mid la mida, waxase diidey barlamaanka oo qashinka ku daray. Waxa arintaa aad uga xcanaqay kooxda Xalane fadhida waxayna dalbadeen in sharcigaas dib loogu soo celiyo barlamaanka.


”Sharcigan wuxuu noqday mid la afduubey oo gebi ahaanba la jaan qaadi karin dhaqanada iyo shuruucda u taala dalka, taas oo aan ka dhigneyn in isaga la’aantii uu kordhayo tacadiga loo gaysto haweenka.

Waxa aad uga xanaaqay talaabada uu Turkigu uga baxay heshiiska gaalka weyn ee Maraykanka Jo Baydan iyo naagta haysata isku taga Yurub.


”Waxay hoosta naga soo geliyeen khaniisnimo sharciyaysan ayuu yiri Dayib Erduqaan oo dalkiisa la ogolyahay khaniisnimada.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.