Turkiga ayaa si xun uga cadhoodey Markab Ruushku leeyahay oo marayay biyaha Turkiga ee kala qaybiya caasimadii hore ee Istanbul halkaas oo uu saarnaa nin Ruusha oo garabka uu u saaran yahay gantaalada lagula dagaalamo diyaaradaha. Wasiirka arimaha dibeda Turkiga ayaa ku tilmaamay talaabada ninka saaran markabkaas dandaansi.
Turkiga ayaa soo ridey diyaarad Ruushku leeyahay oo aan weerar ku ahayn dalkooda laakin hadda la ogaaday in ay u soo rideen diyaaradahaas oo weerar ku hayay koox Turkiyiin ah oo dagaal kula Jira madaxweynaha Siiriya.
Ninka saaran markabkaas ee garabka ku sitey qori halis ah waxa lagu tilmaami karaa kaliya in ay tahay is difaac haddii la soo weeraro markabka. Turkiga Ayaan la filayn in ay mar labaad weeraraan diyaarad ama aalad kale oo Ruushku leeyahay.
Kulan dhexmaray Ruushka iyo Turkiga usbuucii hore ayaa ku dhamaaday is garanwaa kadib markii wasiirka arimaha dibedda Ruushku sheegay in Turkigu aanu la iman wax cusub.
Ruushka ayaa raba raaligelin iyo magdhow halka Erdogan diidey raaligelinta inkastoo uu ku calaacalay in haddii diyaaradu ahaan lahayd Ruush uu ula dhaqmi lahaa si kale.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM