X

Turkiga oo ku fahmay Maraykanka oo raba in uu isku diro iyaga iyo Ruushka si colaadu u fido

Diyaaradaha RUUSHKA ee  duqeynaya argagixisada ay taageeraan Maraykanka, Yuhuuda iyo Sucuudiga ee burburiyay Siiriya ayaa ku dhawaaday xadka Turkiga halkaas oo ay la kulmeen diyaaradaha Turkiga ee Maraykanku siiyay ee loo yaqaan F-16. Turkiga ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid laga xumaado waxayna u yeereen safiirka Ruushka u fadhiya Turkiga waxase Ruushku sheegay in ay ahayd daqiiqado yar inta diyaaradu ku jirtey hawada Turkiga maadama ay jirtey ceeryaan.

Shilkan ayaa waxa ka faaiideystay wasiirka arimaha dibeda Maraykanka oo sheegay in Turkigu xaq u lahaa in uu soo rido diyaaradaha Ruushka waxase ku fahmay Turkiga oo sheegay in uu furan yahay xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka isla markaana ayna dhacaynin arin sidaasa.

Maraykanka ayaa raba in Turkigu horkaco maadaama uu yahay dal muslima uuna KA TALIYO ururka akhwaanka ee uu hogaamiyo Erdogan taas oo dhici karta haddii Turkigu bilaabo colaad uu la galo RUUSHKA uu markaasi Maraykanku tumo durbaanka SUNIGA ee hadda uu wado urur diimeedka ka taliya Sucuudiga sidaana ku helaan lacag ay kula dagaalamaan Ruushka.

Turkiga ayaan diyaar u ahayn in uu dagaal la galo ama soo rido diyaaradaha Ruushka ee duqeynta ku haya canaasiirta iyo argagixisada burburiyay Siiriya haddiise uu sameeyo waxay noqonaysaa mid isaga u khaasa oo aanu durbaan muslimnimo kaga helayn taageero.

Maraykanka, Yuhuuda, Sucuudiga iyo Turkiga ayaa hal dhinaca waxayna sababtey taageeradii ay siiyeen argagixisada in malaayiin reer Siiriya ay dalkooda ka qaxaan. WEERARKA ruushku ku diciifinayo awooda kooxaha argagixisada iyo kuwa ay taageeraan xulafada kale ayaa ka cararsiisey xulafada sare dagaalkana waa mid aan gabi ahaanba diin ku salaynayn laakiin la rabo in muslimiinta kolba dhinac la saftaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.