X

Turkiga oo lagu fahmey bahbahda dagaal ee uu la galayo argagixisada iyo halka uu socdo oo ah Kurdiyiinta: QORMO

Turkiga, Sucuudiga iyo Qadar ayaa taageera argagixisada Daacish taas oo keentay in argagixisadu qabsadaan dhul balaadhan oo ka mida Ciraaq iyo Siiriya isla markaana barakiciyaan kumanaan bani aadam ah oo qarniyo ku noolaa deegaanadaas oo ay soo mareen rasuushii RABI u soo direy umadiisa. Usbuucii hore ayay ahayd markii argagixisadu qarxisey goob ay ku shirayaan dad u badan Kurdiyiin.

Turkiga oo raba in loo saxiixo in uu weerar ku qaado Kurdiyiinta ayaa sheegay in uu weerarayo argagixisada,,wuxuuse weerar ku qaaday barta jilicsan ee Kurdiyiinta oo raba in ay Turkiga ka go’aan maadaama dhulkooda ayna ka jirin wax horumara.

Dunida waxgaradka ayaa cambaareeyay khiyaamada Turkiga ee qarsoon isagoo Maraykanka hordhigey shuruudo aan caqligal ahayn iyo in dal xora waa Siiriyee lagu soo rogo goob ka caagan diyaaradaha.

Maraykanka ayuu isaga aamuusiiyay in uu siiyo ama u fasaxo in diyaaradahiisu ka duqeeyeen argagixisada Daacish saldhiga Ismiir ee Turkiga ee awalba ay fadhiyeen diyaaradahiisu.

Turkiga ayaa raba in argagixisadu guulaysato isagoo la qaatay sheeko Sucuudigu wato oo diin ka baxsan oo loo yaqaan shiico la dagaalan taas oo wiiqdey dunida Muslimka.

Turkiga oo uu hogaamiye ERDOGAAN ayaa aaminsan mabaadii’da urur diimeedka akhwaanka ee ka dhisan Masar inkastoo ay isku diidan yihiin taas Sucuudiga oo isagu haysta mabaadii’da urur diimeedka Salafi oo ay ka mid tahay caqiidooyinkiisu in shiicadu diinta ka baxsan yihiin isla markaana lala dagaalamo taas oo keentay in uu dalka fiqiirka ah ee  Yaman uu burburiyo isagoo adeegsanaya sancada iyo sirdoonka Maraykanka iyo Yuhuuda.

Madaxda Kurdiyiinta ayaa iyagu sheegay in Turkigu helay tigidh aan joogsi lahayn oo uu ku weeraro Kurdiyiinta.. Maraykanka ayaa isagu taageeray weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta maadaama loo fasaxay madaarka meesha dhinaca kale uu leeyahay waa siyaasad qaldan in Turkigu weeraro Kurdiyiinta.

Isku soo duuboo urur diimeedyada qabsaday wadamada Muslimiinta ugu saliida badan laakiin cilmigu ku yaryahay sida Crabaha iyo Turkiga oo cilmi leh laakiin ay ka xumaanayso siyaasadii ahayd in ay soo dhaweystaan muslimiinta kale ayaa keenaysa dibu dhac xoogleh oo aakhirka burburin kara isla iyaga haddii ayna iska dhaafin sida qaldan ee ay diinta u isticmaalayaan oo ah iska horkeen ummada Muslimka ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com/ araabinews.com/facebook

admin:

This website uses cookies.