Turkiga ayaa shalay oo Axad ahayd u baroortey Masaaridii argagixisadu xasuuqdey masaajid ku yaala gobolka Saxaraha ee dalkaasi laakiin Somalidii 400 gaaraysay ee argagixisadu xasuuqdey uma barooran.
Turkiga ayaa shalay ku dhawaaqay hal maalin oo baroordiiqa isla amartey in calanka hoos loo dejiyo dhamaan dhismayaasha dawlada taas oo ayna u samayn Somalida.
Xiriirka Turkiga iyo dawlada Masar ayaa hoos u dhacay kadib markii xukunka laga tuurey Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka diimedka Akhwaan ee ay xulafada yihiin Erdogan.
Waa xasuuqii ugu xumaa ee Masar soo mara halkaas oo tirade hadda cageynayso 308 qof dhaawacuna badan yahay markii argagixisada Daacish ay xalaashadeen dhiiga Muslimiinta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS