X

Turkiga oo walaac ka muujay cudurka Kooro oo ku soo batey

Turkiga ayaa sheegay intii ay furfureen dalka in cudurka Kooro uu soo laba kacleeyay. Waxaan hadda ay sheegeen inuu soo ritey in ka badan 1400 oo qof. ā€¯Walaac ayaa jira tiraduna way sii korodhey ayay yiraaheen.


Wadamada badankooda ayaa furfurey dhaqaalaha wadankooda, waxase ururka caafimaadka aduunku ka digey in cudurku sii kordhi karo haddii degdeg loo furo xanibaadaha hadda yaala.


Meelaha u ku sii kordhey ayay sheegeen inay ku jirto caasimada Ankara, iyo magaalooyinka xeebaha oo dadku ku yaaceen markii loo furey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.