X

Turkiga oo warshad biyaha ku shaqaysa ka badbaadin waayay dab holcaya

Waxa korontada la bakhtiiyay warshad ku shaqaysa buyaha kulul kadib markii laga badbaadin waayay dab holcaya oo maalmahanba ku faafayay gobolada xeebta. Dabkan oo ak bilaabmay buuraha ayaa ilaa hadda lagu guulaysan waayay inay bakhtiiyaan inkastoo dalal dhowra u soo direen diyaarado.


Badhasaabka goboka Mugla ee warshadan ku taalo ayaa fariin calaacala u soo direy madaxda dalka una sheegay inay warshada badbaadiyaan. Warshadan ayaa dabka siisa isla magaalada qayb ka mida.


Waxa hadda lagu guulaystey in warshada korontada laga demiyo dadka u dhow laga daadgureeyo mar haddii dabkii u soo jiro waxyar. Dabka iyo warshada ayaa waxa u dhexeeya badda iyo wado laamiya. ā€¯Waxaan ku rajoweynahay in warshada la badbaadiyo ayuu yiri.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.