X

Ugu yaraan 100 naftood halige-yaala oo ku dhintey laba doonyood oo rogmaday

Waxa saakadii hore dalkaasi Liibiya ku rogmadey laba doonyood oo caaga oo ay saarnaayeen ugu yaraan laba boqol oo qof. Doonta hore ee caaga ahayd ayaa ka baxday meel u dhow caasimada Liibiya habeenimo waase qalibantey.


Waxa dhintey dad ay ku jiraan haween iyo caruur yaryar halka doonta labaad ee caaga ah iyadna ay ku dhinteen dad dhalinyaro wada ahaa oo xiran caaga badbaadada.

Maaha markii ugu horeysay ee naftood halige-yaal ay ku dhintaan Liibiya oo ayna ka jirin wax dawlada. Waxa intaa u dheer kufsi iyo baad laga qaado haddayba ka badbaadaan safarka badda.


Dadka dhintey oo ahaa Afrikaan ka soo jeeda wadamada galbeedka Afrika.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.