X

Ujeedada safarkii Siilaanyo lagu dhibey ee uu ku tagay Imaaraadka oo la ogaadey

Ujeedada safarkii Siilaanyo lagu dhibey ee uu ku tagay Imaaraadka oo la ogaadey. Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa socdaal ku tagey Imaaraadka aan dadka loo sheegin wuxuu yahay.

Waxa safarkiisa ku weheliya caailadiisa iyo beesha dhexe kaliya lagumana tilmaami karo socdaal hufan oo inta kale ee ku jirta maamulkiisa ay wax ka ogaan karaan.

Sida masuul ka agdhow aqalka Siilaanyo uu u xaqiijiyey madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa ayaa laga siiyay magaalada Abu-dhabi ee xarunta dalka Imaaraadka guri ay dawladda Imaaraadku ugu abaal gudayso iyo jeeg.

Waxa kale oo masuulkani diidety magaciisa uu qarxiyay in Siilaanyo lasiin doono 20 milyan oo doolar oo xaql jeeba iyo guri todoba qola oo dego marka uu wareejiyo maamulka Somaliland.
Waxa xogtani sheegaysaa in waxaas oo dhan yihiin abaalmarin inkastoo isagu aanu wax shaqo ah ku lahayn ogeyn waxa la saxiixay iyo waxa la kala dhamaystey.
Waxa xigtani soo kobey Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.