X

Urta digaaga oo erida kaneecada: baaritaan laga soo saaray Itoobiya

Khuburo u dhashay Itoobiya iyo Sweden ayaa baaritaan ku ogaadey in urta digaaga nool ay erido kaneecada. Baaritaankan ayaa lagu sheegay in kaneecadu ka cararto ama ka fogaato digaaga iyo shimbiraha kale.

Waxa baaritaakan oo ay ka qaybqaateen jaamacada Habtie Tekie oo ku taala caasimada Itoobiya ee Addis ababa ayaa lagu sheegay in dheecaano laga soo qaado digaaga loo adeegsan karo in lagu cayrsado kaneecada.

Waxa iyana baaritaankan ka qayb qaatey jaamacad ku taala Sweden oo beeraha u qaabilsan oo iyaguna sheegay in baalasha digaaga dheecaano laga soo qaaday in ay cayrsadaan kaneecada.

Tijaabadii la sameeyay

Tijaabada ayaa lagu sameeyay Itoobiya halkaas oo la soo qaaday hal digaag oo nool kadibna lagu xidhey shabag halka la ag seexiyay qof loo huwiyay maro kaneeco, waxa dabadeed la ogaadey inta kaneeco ee ka soo ag wareegtay goobta digaagadu joogtey.

Khuburada tijaabadan samaysay ayaa ku rajo qaba in tijaabada la sii balaadhiyo loona gudbo beeraha iyo dhulka kale ee kaneecadu ku cunto dadka.

Waxay ku rajo qabaan in la helo daawo fudud iyadoo kaneecadu u yeelatay kahortag daawooyin hore loo isticmaali jirey. Kaneecada ayaa soo raacda urta dadku dibedda u tiiraan iyagoo sidaana dhiiga ka jaqa kuna reeba suntooda.

Sawirkan hoose waxa idiin muuqda digaag shabag ku xiran iyo sariir loo dhigey qof tijaabada wada

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.