X

Urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Xamaas oo doortey hogaan cusub

Urur diimeedka akhwaan Muslimiin ee Xamaas ee Falastiin ayaa doortey hogaan cusub oo bedelaya Khaalid Mashaal oo dagaalkii Siiriya ee ururkiisu qaybta ku laha u cararay dalkaasi Qadar oo uu ka talioyo nin aaminsan mabaadiida urur diimedka Akhwaan Muslimiin.

Ismaciil Xaniya oo doorashadii ka dhacdey Falastiin ee labada garab u kala gaysay ku guulaystey ayaa loo doortey hogaamiyaha urur diimeedka Xamaas ee ka taliya xerada qoxootiga ee Qaasa.



Xamaas ayaa taageero xoogleh ka hesha wadamada ay ka taliyaan urur diimeedka akhwan Muslimiin ee Turkiga iyo Qadar. Hogaamiyaha xilka wareejinaya ayaa jooga Qadar halka Xaniya uu ku noolyahay Qaasa.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.