X

Ururka Carabta oo diidey inay balan qaad u sameeyaan raiisal wasaare Maxamed Xuseen

Waxa Masar ku sugan raiisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la filayo inuu la kulmo madaxweynaha dalkaasi iyo weliba madaxa ururka jaamacada Carabta. Kulanka kadib ayaa ururka Carabtu diideen inay balan qaad hadda u sameeyaan Maxamed Xuseen Rooble.


”Waxaan balan qaadaynaa inaan sii wadno hawlihii awalba aan wadney ee ahaa inaan Somaliya kala shaqayno sidii deymaha Carabtu ku leedahay looga deyn lahaa iyo weliba kuwa kale ayuu yiri afhayeen u hadlay ururka Carabta.


”Arimaha doorashada ee hadda socda waxaa naga go’an inaan sii wadno wada shaqayntii awalba aan la lahayn xukuumadda hadda jirta.

Safarka Maxamed Xuseen Rooble ayaan ilaa hadda wax natiijo ah oo la taaban karo ka soo bixin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.