Munaasabada lagu dooranayay guddoonka cusub ee Ururka Haweenka ee ku jira Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ururka Haweenka ayaana sameeyey isbedel ku aadan dhanka guddoonka maadaama uu waqtigiisu dhamaaday gudoonkii hore, waxaana la doortay, guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye guud oo uu yeesho ururkaasi.
Waxa gabagebadii halkaas lagu doortey xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi ayaa loo doortay guddoomiyaha Ururka Haweenka ee Golaha Aqalka Sare, halka Faadumo Xasan Aadan iyo Nuura Saalax Jaamac iyagana loo doortay gudoomiye ku xigeeno.
Waxa dhinaca kale loo doortey Fartuun C/qaadir Karaama in ay noqoto Xoghayaha guud ee Ururkaasi halka Khasnajiga Ururka loo doortay Samsam Ibraahim Cali.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS