Ururka siyaasada ku biirey ee WHO ama caafimaadka aduunka ayaa ka noqdey magacaabistii Robert Mugabe ay u magacaabeen safiirka hagaagsan ee hay’adan.
Ururka caafimaadka aduunka oo ah qayb ka mida Qaramada Midoobey ayaa magacaabay Robert Mugabe oo sagaashanadii socda in uu ururka u noqdo safiirkooda hagaagsan maadaama Simbabwe leedahay caafimaad oo dhamaystiran.
Waxase taas ka soo horjeestay Wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka ayagoo cunaqabatayn saaray Simbabwe taas oo burburisay dhaqaalaha dalka oo ka mid ahaa dalalka uGu barwaaqaysan Koofurta Afrika.
Tedros oo ah madaxa hay’ada ayaa sheegay in ay dani uGu jirto hay’ada in ay booskaas kala noqdaan madaxweynaha Simbabawe taasna ay kala hadleen dawlada Simbabwe.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS