X

Heshiiskii dhexmaray Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta beesha Sade oo burburiyay iyo xilka qaadis uu durba bilaabey

Garbahaaray- 7-Agoosto-2015 (Araabinews)- Laba saacadood kadib markii siyaasiyiinta beesha Sade iyo Axmed Madoobe heshiis ku gaareen in la wada shaqeeyo ayaa Axmed Madoobe uu xilkii ka qaaday gudoomiyaha gobolka Gedo taas oo ay ku sheegeen siyaasiyiinta heshiiska la galay khiyaano uu durba ku kacay Axmed Madoobe.


Gudomiyaha gobolka Gedo oo la Hadley saxaafada ayaa sheegay in Axmed Madoobe durba khiyaano bilaabey waxyar kadib markii heshiiska ay kala saxiixdeen.

Axmed Madoobe, ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha gobolka Gedo isagoo warqad uu soo saaray ku magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi kana dhigay Gudoomiyihii degmada Luuq Canjeex.

Maxamed Cabdi Kaliil, gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in Axmed Madoobe markii ay hishiiyeen 10 daqiiqo kadib uu soo saaray warqada uu xilka kaga qaadayo, laakiin arintaasi ayuu ku tilmaamay qiyaano uu sameeyay madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.


“Waxaan ku hishiinay shan qodob oo aan isla garanay waxaana goob joog ka aheyd Itoobiya saraakiil ka tirsan, laakiin xil ka qaadistan waa qiyaano uu watay Axmed Madoobe mana ahan mid aan aqbalayo”ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa ka mida in dib loo saxo barlamaanka Jubba oo ah kii lakala direy in lagu heshiiyo caasimada iyo kuwo kale.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.