X

Waa dhamaaday faankii reer galbeedka iyo bilyanadii oo burbureya: BUUTIN

Madaxweynaha Ruushka Faladhimeer Buutin oo ka hadlaayay cunaqataynta ka soo hadhay reer galbeedka ayaa sheegay intey dalkiisa hayso in ka badan inay hayso kuwii sheegan jirey in bilyano dahaba haystaan. ”Aaway caydh ku nooshii iyo bilyanadii dahabka ahaa ayuu is weydiiyay madaxweyne Buutin oo lagu dhici waayay in looga daba tago Yukrayn.


Jarmalka ayaa khad cagaaran ku tilmaamay fikrada Bolan wado ee ah in nabad ilaalin loo diro Yukrayn, wuxuuna ka digey inaan halkaa la geli karin oo Jarmalku ku jirin sheeko noocaasa.

”Waa dhamaaday bugbugtii iyo faankii reer galbeedka iyo bilyano ayaan haysanaa ayuu yiri Faladhimeer Buutin. Reer galbeedku waxay lumiyeen siyaasad ay aduunka ku xukumaan iyo dhaqaale labadaba waana dhamaaday xilligaas.


Adduunka oo dhan ayaa ku dhib qaba cunaqataynta maaha wax Ruushka u gaara waan nala yaqaanaa cunaqatayn nama qabato ayuu raaciyay Faladhimeer Buutin.



Cidna daah kama saarna burburka ku dhacaya reer galbeedka, waana doqon dalkii aan ka fikirin halka uu gelinayo lacagtiisa. Intaan anigu ogahay qayb ahaan keydkii qaranka Ruushka waxa xaday reer galbeedka. Dadka ku nool reer galbeedka waa laga dhaadhicin waayay inaan anagu eeda leenahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.