X

Waa kuma ninkii laad la dhacay gaalkii Quraanka ku gubey Noorway

Jimcihii ayay ahayd markii maamulka Noorway u ogolaadeen in gaal iyaga Ka mida uu fagaare ku gubo Quraankeena ayadoo ay waardiye Ka hayaan booliiska maamulka. Haddaba waxa goobtaas Ka soo dhex booday wiil dhalinyaro ah oo aad u cadhaysan kadibna laad la dhacay gaalkii inkastoo uu silbadey.


Gaalkii ayaa fuleynimo awgeed hoosta Ka galay booliiskii markii horeba ilaalinaayay. Haddaba waa ayo wiilkaas dhalinyarada ah ee u adkaysan Muslimiintain kalimkii Rabi gaalkaas sidaa u galo. Halka Muslimiinta badankooda cadhadooda Ku muujiyeen baraha bulshada.

Cumar Daba Ilyaas waa wiilka dhalinyarada ah ee diidey in Quraanka hortiisa lagu gubo ayaa ka soo jeeda dalkaasi argagixisada burburisey ee Suuriya.


Wuxuu sheegay in markii gaalku la soo baxay Quraanka aan sugeynay in booliisku joojin doonaan maadaama ay meesha Ku joogeen ilaa 40 iyaga ah laakiin taasi ma dhicin, wuxuuse sheegay inay waqti u heleen inay aniga igu soo wada ordaan taas oo muujinaysa inay raali Ka ahaayeen.

“Qof kasta diintiisa isagaa u xora Rabi ayaana siiyay xoriyadaas ilaa laga gaarayo maalinta Isla xisaabtanka ayuu raaciyay Cumar.


Cumar ayaa dhawaan soo galay Noorway wuxuuna dareensan yahay in xoriyada diinta ee dalkiisii ay boqolkiiba boqol Ka fiican tahay tan Noorway taala waayo ayuu yiri waxa nala Jaar ahaa gaalo weligey ma maqal cidleh kani waa gaalo dagaaladii kahor.


Waxa afar maalmood kahor laga sii daayay jeelka waxana hadda la bilaabay in dacwad lala fuulo gaalkaas. Cumar ayaa Ka xamaasha maqaaxi Carabtu leedahay oo ku taal Noorway.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.