X

Waa kuma safiirka cusub ee dawlada Qadar u joogi doona Somaliya

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay safiirka cusub ee Somaliya u joogi doona dalkaasi Qadar. Hadaba waa kuma safiirkaas cusub ee jagadaas lagu aaminay. Waa Xasan Daahir Dhimbiil oo maamulka Somaliland ka soo cararay muddo hadda laga joogo 8 bilood. Wuxuuna ka ahaa wasiir ku xigeen caafimaad.


Xasan Daahir Dhimbiil oo saaxiibo dhow ku leh dawlada Somaliya ayaa sahashay in lagu aamino jagadaas safiirnimada inkastoo aanu hore u lahayn klhibrada danjirenimo.

Xasan Daahir Dhimbiil ayaa aqoontiisa gaarsiisan tahay heerka labaad ee jaamacada qaasatan qaybta siyaasada, taas oo u sahlaysa inuu si hufan uga soo baxo shaqadaas dawladau u garatay.


Xasan Daahir Dhimbiil ayaa ku dhashay degmada Quljeed e gobolka Awdal sanadihii bartamaha lixdamaadkii, wuxuuna isla dugsiga hoose ka galay isla degmadaas.

Xiriirka Somaliya iyo Qadar ayaa aad u wanaagsan waxana la filayaa inuu sare u sii qaado xirirkaas. Qadar ayaa Somaliya siisa mucaawino faro ku dirisa sida gaadhiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.