Waa kuwee musharixiinta u tartamaya madaxtinimada maamulka Hirshabeelle. Maamulkan ayaa magic ahaan u jira laakiin aan waxba ugu fadhiyin dadka ay sheeganayaan.
Ilaa Sideed Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay waxa ay khudbado waxqabadkooda uga hadlayaan ka hor jeediyeen Baarlamaanka Hirshabeelle.
Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta Doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.
Halkan Hoose Ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta.
1- Daahir Cabdulle Cawaale
2- C/raxmaan Xuseen Caddow
3- Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-dabageed)
4- Maxamed Caruushe Diirow
5- C/naasir Xaaji Shirwac Maxamuud
6- Cabdi Faarax laqanyo
7- Maxamed Cabdi Waare
8- C/kariin Cali Nuur.