X

Waa sidee xaalada dhaawacyadii loo qaaday Turkiga

Waa sidee xaalada dhaawacyadii loo geeyay Turkiga ayadoo si xun looga cawday kuwii la geeyay dalka fiqiirka ah ee Suudaan halkaas oo uu ku geeriyooday qof Somali ah.

Lix Bukaan oo ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa la sheegay in xaalad adag ay ku sugan yihiin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay ku sheegeen xaaladooda mid qatar ah, balse intii karaankooda ah ay la tacaali doonaan.



Inta badan Bukaanada la geeyay dalka Turkiga ayaa waxa ay yihiin kuwo ka soo kabanaya dhaawicii soo gaaray, waxaana u badan dhaawacyo lafaha ka burburay, iyo kuwo Qaraxa uu gubay.

Daahir Cali Maxamed Geelle, Qaraxa xanuun weyn ayuu ku reebay, kadib markii ay ka dhinteen Saddex la dhalaty iyo xaaskiisa, isaga iyo mid kale oo walaalo ay yihiina uu dhaawac soo gaaray.



“Saddex ila dhalatay iyo xaaskeyga ayaa iga geeryooday, Carwada ayaan ku jirnay, oo xisaab xir aan ku wadnay, inta aan casirka aadin ayay Musiibada dhacday, dhismaha ayaa nagu soo dumay.” Ayuu yiri Daahir.

Nabadoon Aweys Macalin Cali, Qaraxa markii uu dhacayay wuxuu ku sugnaa Hotel Safaari, haatan xaaladiisa waxa ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna sheegay in ay dhinteen dad badan oo isaga la fadhiyay.

Xasuuqii 14-ka bishan ay gaysteen argagixisada Shabaab ayaa kii ugu xumaa ee lagu gumaado uummad Muslimiina waxay galaafteen nolosha 300 oo inaga mida. Tiro maleh dhaawaca iyo hantida burburtey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.