Waalidiinta laba dhalinyaro ah oo booliiska magaalada Boosaaso toogasho ku diley ayaa dalbadey in booliiska dilka gasyey loo qisaaso. Toogashadan ayaa dhacday markii dhalinyaro xaafadeed is dagaaleen.
”Waxa fooxumo ah booliis loogu talogalay inuu nabadgelyada ilaaliyo uu isagii nabadgelyo xumo qayb ka noqdayy ayay yiraaheen waalidiinta oo la hadlay saxaafada.
”Waxaan si degdega u dalbanayaa in askarigii rasaasta furey ama askartiiba si degdega loo qisaaso oo la mariyo waxa diinteenu ka qabto. Lama garan karo in horjooge Siciid Deni ama maamulka gobolku soo qaban doonaan gacan ku dhiiglaha.
Bulshada magaalada Boosaaso ayaa aad u cambaareeyay dilka foosha xun ee lo gaystey dhalinyartaas oo iyagu isku eryanaayay budad iyo midiyo, xilliga booliisku rasaasta furey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS