X

Wadaad boqol dumara guursaday oo hadda geeriyoodey

Wadaad boqol dumara guursaday dalkaasi Nayjeeriya ayaa la sheegay in uu hadda geeriyoodey una geeriyoodey xanuun aan la sheegin.

Maxamed Bello Abubakar ayaa hada geeriyooday isaga oo 93-sano jir ah ,waxa uuna u geeriyooday xanuun aan la shaacin , ninkan ayaana ahaa Nin wadaad ah oo dadka wacdiya caana ka ahaa qeybo kamid ah Dalka Nayjeeriya.



Ninkan ayaa Warbaahinta caalamka warbixo kala duwan ka qoreen si weyna dunida ugu soo caan baxay sanadii 2008-dii xiligaa uu qabay 86 xaas, waxaa sidoo kale xiligaasi u joogtay 130-caruur ah.

Wargeyska Daily Trust newspaper ayaa qoray Xaasaska uu Abuubakar ka geeriyooday in ay hada gaarayaan 130-xaas sidoo kale caruurtiisa ay kor u dhaafiyaan 200-caruur ah oo u dhaleen xaasaskaasi tirada badan.



Xaasaska uu ka geeriyooday Maxamed Bello Abubakar ayaa la sheegay in xiligan qaarkood ay lahaayeen Uur, waxa uuna ninkan ahaa nin si weyn looga yaqaan dalka Nageria saameyn badana ku lahaa deegaanka uu kunoolaa.

Aaska Maxamed Bello Abubakar oo dhacay Axadii shalay waxaa kasoo qeyb galay dad aad u badan, Warbaahinta dalka Nayjeeriya iyo kuwa Caalamka ayaana si weyn u hadal haya geerida ninkan oo lagu tilmaamay kan ugu xaasaska badan Dunida inta la ogyahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.