Waxaa maanta maalinkii saddexaad galay wadahadaladii u dhaxeeyey maamulka Khaatumo iyo kan Somaliland ee ka socday magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Waxaana wararku sheegayaan in maanta la galayo wadahadaladii inta ugu mihiimsan.
Khaatumo iyo Somaliland ayaa u wada hadla sida maamulka Somaliland ula hadlo Xasan Sheekh kulana hadlo dalka dibediisa.
Waxaanay wararku intaas ku darreen in maamulka Khaatumo ay doodooda iyo ajandahooda ugudbiyeen, xubnaha ay wadahadalka ku wada jiraan ee matalaya Somaliland iyaga oo siiyay mudo ay ku soo akhristaan oo ay kaga soo bogtaan.
Sidoo kale waxaa la sheegay in xubno masuuliyiina oo dawlada Itoobiya ka tirsani ay ka qayb qaadan doonaan soona gali doonaan goobta shirku ka socdo, waxaanay arintani u muuqata in masuuliyiintaasi ay doonayaan inay wax badan ka ogaadan wadahadalada labada dhinac markhaatina ay ka noqdaan.
Maamulka Somaliland ayaa markhaati u raadsada Ingiriiska ama Turkiga.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS