X

Wadahadalo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo Khaatumo oo dib u dhacay

Warar hoose oo soo ka baxaya madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ay dib u dhaceen wada hadaladii magaalada Addis-ababa uga furmi lahaa Somaliland iyo maamulka Khaatumo.

Waxaana wada hadaladan oo sida la sheegay loo balansanaa inuu bilaabmo 17 bishan aynu ku guda jirno ay noqdeen kuwo dib u dhacay muddo 10 cisho ah,kadib dalab ka yimi dhinaca Khaatumo oo ku saabsan sida naloo sheegay abaaraha baahsan ee ka jira gobolka Buuhoodle.

Dalabkan ka yimi sida la sheegay masuuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa ay maamulka Somaliland ka aqbashay,iyada oo maantana la filayay inay dalka ka baxaan xubnihii Somaliland uga qayb galayay wada hadalka u furmaya maamulka Khaatumo.

Waxaana wada hadalkan nuxurkiisu yahay sida ay xoguhu noo sheegeen in laga wada hadlo sidii labada mamul si nabada uGu wada noolaan lahaayeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.