X

Wadamada daneeya arimaha Somaliya oo baaq ka soo saaray arinta maamulka Axmed Madoobe

Qaramada midoobey, iyo wakiilada Ingiriiska , Maraykanka iyo midowga Yurub ayaa baaq ka soo saaray arinta ku saabsan maamulka kumeelgaadhka ah Juba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo Kiiniya taageerto. Axmed Madoobe ayaa diidan inuu u hogaansamo codka barlamaanka kuna tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo waliba sheegay inuu xiriirkii u gooyay.

Waxa iyana taageeray Cabdiwelli Gaas taas oo ka weecisay sharciyadii dalka una weecisay jufo jufaysi iyadoo la ogyahay in Jufada Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe ay rabaan in ay samaystaan laba gobol oo Daarood leeyahay inkastoo sheekada Daarood aan laysku raacsanayn.

Wadamada faraha kula jira arinta Somaliya ayaa baaqa ku sheegay in lagu dhameeyo sheekada muranka barlamaanka Jubba si wadahadal ah taas oo aan la garanayn halka laga bilaabi karo maadaama barlamaanka Somaliya uu laalay barlamaankii la soo xulay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.