X

Wadamada iibiya saliida oo aan naxariis u muujin Maraykanka

Wadamada Muslimka iyo kuwa kale ee ku midoobay saliid iibinta ayaan haba yaraatee u muujin wax naxariisa kadib markii ay ku heshiiyeen inay hoos u dhimaan wax soo saarka saliida. Waxaan ku heshiinay inaan 2 milyan oo foosto hoos u dhigno laga bilaabo bisha Noofambar ayaa lagu yiri warbixin.


Sacuudiga iyo Ruushka oo ugu badan aduunka wax soo saarka saliida ayaa isku raacay in laba milyan oo foosto la dhimo si qiimaha saliida kor loogu qaado. Marayakanka oo filaayay wax kayar 200 kun oo foosto ayaa ka naxay.

Waa markii ugu horeysay in kooxdan slaiida iibisa ay dantooda eegaan oo la yimaadaan siyaasad xora siiba Sacuudiga oo u sujuuda Maraykanka. Imaaraadka oo la weydiiyay in siyaasad ahaan Maraykanku ka caroon doono ayaa sheegay in iyagu ilaalinayaan qiimaha keliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.