X

Wadamada ugu badan ee sanadkan gudanaya xajka oo la shaaciyay

Wadamada ugu badan ee sanadkan gudanaya xajka ayaa la shaaciyay ayadoo caalamka Khaliijku ku jiro siyaasad khalkhalsan oo Sucuudigu ka wado geeska Carabta.

Warbixin ay soo saareen Sucuudigu ayay ku sheegeen wadamada ugu badan ee xaj gudanaya iyo tirada ka socota inkasta oo ayna soo saarin wadamada ugu yar ee gudanaya xajka.



Wadamada hoos ku qoran ayaa ugu badnaadey tirada xaj u soo gudanaysa.

1.Indonesiya – 221,000
2.Bakistaan – 179,210
3.Hindiya – 170,000
4. Bangladeesh – 127,198
5. Masar – 108,000
6. Iiraan – 86,500
7. Neyjeeriya – 79,000
8. Turki – 79,000
9. Aljeeriya – 36,000
10. Marooko – 31,000

Waxa la filayaa tiro ku dhow 2 milyan in ay yimaadaan xajka. Xajka ayay waajib tahay qofkii awooda in uu soo xajiyo halmar inta noloshiisa ah.



Hoos sawirada dad soo xajiyay sanadii 1880 oo ka yimi Ciraaq iyo Indooniisiya

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.