X

Wadamo ku dhawaaqay maalinta Ramadaanku bilaabmayo

 

Iyadoo Muslimiinta caalamku isku diyaarinaayaan bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa wadamo Muslimiina ay ku dhawaaqeen xilliga ay bilaabmi doonaan bisha barakaysan ee Ramadaan.


Dalalka Turkiga iyo Muslimiinta Ustaraaliya ayaa iyagu sheegay in Ramadaanku kow yahay habeen dambe oo Isniini soo galayso bishuna noqon doonto 6 halka berri oo Axadana tahay maalinta 30-naad ee Shacbaan.

Wadamada khaliijka oo Somalida Yurub qaarkood la soomaan ayaan wax bil ah laga arag. Sucuudiga ayaa isagna sheegay in habeen dambe oo Isniini soo galayso uu soonku kow noqon doono maadaama maanta aan la arag berina la buuxin doono Shacbaan.


Waxase la isku raacay in soonku bilow yahay habeen dambe oo Isniini soo galayso maadaama berri oo Axada la buuxinayo Shacbaan sida Sunaha rasuulkeena CSW yahay.

Dhinaca dalkeena hooyo welli ma jiraan xilliga warkaan aan daabacayno wax wara oo ka soo baxay wasaarada diinta ee dawlada Somaliya.


Bahda ARAABIBEWS ayaa idinleh Ramadaan mubaarak. Waa bishii dembi dhaafista 11-ka bilood ee ina soo dhaafay. Waa bishii is cafnta waayo hadaanad dadka cafinin yaa adiga ku cafinaaya.

RABIGA weyn ee awoodu gaar u tahay ha ina waafajiyo kheyrkeeda. Aamiin Aamiin.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.