X

Wadanka Albaaniya oo diyaarado looga baqi jirey hadda xaraash ku bilaabey yaase xiiseyna

Wadanka Albaaniya ee ku yaal Woqooyiga Yurub marna ahaa wadamada laga baqo ayaa burburkii midowga Soofiyeeti noqdey dalka ugu fiqiirsan Yurub waxana dabayaaqadii sagaashanadii dalku galay dagaal ka dhashay lacag deg deg lagu heli jirey oo hal mar la cuney.

Diyaaradaha uu hadda xaraashayo waxa ku jira afar nooca loo yaqaan 10 Mig-19, Lix Mig-21, Lix Yak-18,iyo afar Mi-4 helikobtaro ah.

Waxase cajiib la noqotey in dawlado waaweyn ay ka qaybgalayaan xaraashkaasi oo ay ku jiraan Faransiiska, Maraykanka, Jarmalka iyo dalka fiqiirka ah ee Giriiga.

Albaaniya ayaa sheegtay in ay diyaaradaha u xaraashayso in ay yihiin kaliya taariikh ahaan in loo hayo ee ayna ahayn diyaarado hadda shaqaynaya laakiin mar ahaan jirey kuwo laga baqo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.